Madaxweynaha Pundland oo Ka Soo Horjeedsaday Go’aankii Xubnaha Baarlamanka Federaalka ee Gobolka Banaadir

GAALKACYO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay munaasibad loo qabtay xuska 1 July ee maalinta xoriyadda ee Soomaaliya.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo haatan ka tirsan Guddoonka Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacayo, odeyaaasha dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Qurbojoog, kooxaha Fanka ee Puntland iyo dadweyne kale .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadal jeedintiisii xalaykaga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuu Madaxweynuhu taageeray go’aankii Baarlamaanka Puntland kasoo baxay 29-kii June ee ku saabsana tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneen uu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu taageersan yahay go’aankii golaha baarlamaanka ee maamulka Puntland uu ka qaatay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo matalaadda magaalada Muqdisho.

Baarlamanka Puntland ayaa kasoo horjeestay go’aanada la xiriira doorashooyinka ee uu gaaray Golaha Shacabka Soomaaliya iyo 13 kursi oo Golaha uu ansixiyey in Gobolka Banaadir uu ka helo Aqalka Sare.

Madaxweyne Dani ayaa mowqifkiisa ka sheegay munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo oo xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA DANEY: