Madaxweynaha oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Raysal-wasaaraha cusub ee Ingiriiska

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal-wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Md. Rishi Sunak.

Qoraal Madaxweynahu ku baahiyey bartiisa Twitter shalay ayuu ku yidhi;

โ€œHambalyo Mudane. Rishi Sunak doorashadaada Raysal-wasaaraha Ingiriiska iyo hoggaamiyaha xisbiga Muxaafidka.

Qoraalka Madaxweynaha oo la raaciyey Somaliland iyo Ingiriisku waxay wadaagaan taariikh dheer, waxaanu yidhi

โ€œMudadda hoggaamintaada, waxaan rejaynayaa in taariikhda dheer Somaliland iyo UK ay wadaagaan iyo danahu abuuraan xidhiidh xooggan iyo saaxiibtinimo dhow.โ€

Hambalyada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Mudane. Rishi Sunak loo doortay Raysal-wasaaraha Ingiriisku iyo hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka.