Somaliya – (warsoor) – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku booqday ciiidamaiisa furinta kula daalamaya Al- shabaab , kulankan aya ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa tahay xaruuntooda ugu wayni tahay magaalada Dhoobley.
Waxaa kale oo la socday Talyaha ciidamada KDF mr. Gen. Samson Mwathethe. Waa safarkii ugu horeeyey Madaxweyne Kenyatta ku booqdo ciimadiisa ku sugan gudaha somaliya ee dagaalka kula jira al shaabka. Kenyatta aya ciidmadiisa kula hadlay xarunta aya goobaha ay difaca ka jiraa waxaanu yidhi
“Idinka ayaa shacab badan oo Soomaaliya ah badbaadiyey nolosha dad badan, iyo waliba nolosha shacab badan oo Kenyanka ah ugu yaraan waxa ka bixidoonta cabsida al shababka”ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan soo noolaaday waaxdiisa dalxiiska idinka yaa mahadaa leh oo sugey ammaanka dalka”, isagoo sii wata hadaliisa madaxweynuhu waxa uu taataabtey dhinacyo badan waxanu yidhi, “Waxaan kala hadleynaa in dowladda cusub ee Soomaaliya in ay xoogga saaraan iyaga muhiimadda ay leedahay in la dhiso ciidamada xooga Soomaaliya si aad dib u tegi kartaan dalkiinii. Taasina waa istaraatijiyada aannu dib ugu celin karno ciidamada, “ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta.
Mar uu ka hadalaayay khasaarihii ka soo gaadhay wararkii ugu danbeeyy waxaa uu yidhi, “khasaarihii ina gaadhay waxa uu ahaa mid khatar ah waxanu inagu reebay xasuus daran. Waana halkan aan taaganaahy maanta, in la yidhaahdo in wiilashii geesiyaashina iyo Gabdhaha reer Kenya ma ay dhalaan aan micne lahayn baa waa in ay u duceyna geesiyashi inaga dhintay” ayuu yidhi Uhuru.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya Gen. Samson Mwathethe oo la socday Madaxweyne Kenyatta isagoo isna ciidamada la hadlayay, waxa uu yidhi “Waxaan maanta ugu faa’iideysanayaa in aan u mahad celiyo ciidamada naftood hurayaasha ee ku jira furinta dagaalka”.
Waxa uu rajo ka muujiyay in dowladda cusub ee Soomaaliya ka caawin doonaa in dib u soo celinta nabadda geeska Africa.