Madaxweynaha Kenya iyo Danjire Mohamed El-Amine Souef oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb: Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweyne Ruto iyo Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya sida xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida iyo taageerada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo loo marayo hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo adkeeyo dadaallada nabad-dhiska ee socda.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo xubno kale.