HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay fiidnimadii hore Xafiiskiisa ku qaabiley Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo dalka ka qabtay doorashadii isku sidkanayd ee Axsaabta Ururada, Xisbiyada Qaranka iyo Madaxtooyada.
Ugu horayn Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa shaqadii iyo labadii doorasho ee u qabsoomay qaranka ku amaanay shacbiga Somaliland ugana mahad celiyey inay Adduunka tuseen wacdaro iyo casharo hor leh, guddidii hawsha wadayna ay ku mahadsan yihiin.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Komishanka inay ka dhabeeyeen riyadiisi ahayd in qarankani halkiisa ka sii wado dedaalada dimuquraadiyada ku salaysan ee doorashooyinka, si ay beesha caalamka u tusaan in qarankani u bisil yahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen Dalalka Caalamka ee la’aqoonsan yahay.
Dhinacooda waxa ay Guddida Komishanka Qaranku Madaxweynaha ku boggaadiyeen sidii milkaha iyo sharafta lahayd ee uu ula shaqeeyey, kuna garab istaagay inay qabtaan shaqada baaxadaa leh, isla markaana uu noqdo Madaxweynihii doorashada maalgeliyey bixiyeyna lacagta doorashada inteeda badan, taas oo ahayd geesinimo kale.
Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu komishanka u rajeeyey shaqo wanaag iyo inay sidaasi isugu duubnaadaan inta ay shaqadan qaran hayaan.
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.