Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiiro iyo Diblumaasiyiin.

HARGEYSA-(WARSOOR)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay oo salaan ugu yimi Safiirada Dalalka, Uk, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo goob-joogayaal ka ahaa Doorashadii shalay ka dhacday Dalka.

Waxaanay dhammaantood ka markhaati kaceen sida waayo aragnimada leh ee ay Shacbi weynuhu u muujiyeen hannaanka dimuquraadiga ah ee ay u dhacday doorashadii shalay ay u dareereen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ugu codaynayeen Axsaabta ururada, saddexda Xisbi Qaran iyo murashixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka shanta Sanno ee soo sacda.

Waxaanay hambalyo iyo bogaadin u direen Bulshada Reer Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi bisil oo ay tahay inay wax ka bartaan dalalka Afrika iyo caalamkuba, sida nabadgelyada iyo waayo aragnimada leh ee ay u dhiibteen codkooda.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Ergeyga gaarka ah ee Wada Hadalada Marwo Adna Aadan Ismaaciil.

Dhinaca Safiiradda iyo Dublamaasiyiintuna waxay kala ahaayeen, Safiirka Dalka Uk Amb. Mike Nithavrianakis iyo Diblamaasi Ilyas Malek, Safiirka Dalalka Midowga Yurub Amb. Karin Johanson iyo Diblamaasi Thomas Kieler, Safiirka Dalka Denmark Amb. Steen Sonne Andersen iyo Safiir ku xigeenkiisa Amb Gertrud Birk, Safiirka Sweden Amb. Joachim Waern iyo Diblamaasi Johan Svenson, Safiirka Dalka Switzerland Amb. Mirko Giuletti iyo Diblamaasi Natalie Frei, Safiirka Dalka Norway Einar Rystad iyo Diblamaasi Narve Rotwitt, Safiir ku xigeenka Dalka Czech Republic Amb. Miroslav Balint, Safiirka Dlaka France Lucile Carrez iyo Diblamaasi Mohamed Sahardiid Raage oo ah la taliyaha arrimaha ganacsiga.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.