Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii saddexaad ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo la yeeshay Hay’addo kala duwan oo dhinaca gargaarka bulshada iyo samafalka ah
” Waxa sharaf noo ah in aanu la kulanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamerd Cabdilaahi (Cirro), intii uu socday Shirkii Dawladdaha Adduunka.” Sidaa waxa tidhi Latifa Al Qemzi oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda DP World Foundation.
Kulanka uu Madaxweynaha JSL la yeeshay Hay’adda DP World Foundation ayaa diiradda lagu saaray sidii ay DP World Foundation iyo Jamhuuriyadda Somaliland isaga kaashan lahaayeen dhinaca gurmadka degdegga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Kulankan Madaxweynaha JSL la yeeshay Hay’adda DP World Foundation waxa isna ku weheliyay mudane Axmed Darwish Al Muhairi oo Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) iyo mudane Mohammad Musabeh Dhahi oo ah Madaxa Waaxda Shaqada ee Samafalka, Butti Abdulla Al Jumairi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Waaxda Taageerada Bulshada ee Shirkadaha, iyo Mudane Mohammed Suhail Al Muhairi, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Samafalka ee Hay’adda Der Al Bir.
Kulanka waxa la isku af-gartay in la sii sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Xukuuumadda Somaliland, Hay’adda DP World Foundation iyo Hay’adda Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Hawlaha Samafalka ee Dubai (IACAD) ee la xidhiidha ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadanninimo iyo ballaadhinta dedaallada xagga gargaarka si wadajir ahna wax looga qabto baahiyaha bulshada JSL xilliyada ay soo soo wejahaan dhibaatooyinka u baahan gurmadka bini’aadanninimo.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.