โ๐๐๐ฉ๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐ ๐จ๐๐ฃ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฆ ๐ค๐ ๐ ๐ค๐๐๐ฃ๐ ๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ข๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ค๐๐๐๐๐ช๐๐ช ๐จ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ค๐๐๐๐๐ฃ ๐๐ ๐ฃ๐๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ โฆโ
Hargeysa -(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamadda Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Qaranka iyo miiska saraakiisha.
Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranku waxa uu salaam ka qaatay cutub katirsan ciidanka Qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee ka hawlgasha taliska guud ee ciidanka, waxa uu madaxweynuhu mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo taliska lagu soo kordhiyey.
Taliyaha Ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha wehelinayey soo dhaweeyey, waxana uu caddeeyey inay ka talis ahaan farxad weyn u tahay inuu madaxweynuhu soo booqdo, kormeerna ku sameeyo xarunta taliska guud ee Ciidanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka Qaranka ugaga mahadnaqay geesinimada, naf-hurnimada iyo daacadnimada iyo Qarankooda ugu adeegayaan.
Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo saraakiisha u sharraxay ujeeddada kormeerkiisa maanta iyo sida uu muhiimadda gaar ahaaneed u siinayo ciidanka, โWaxa aan maanta goโaansaday inaan idin dhex imaaddo si aan ugu kuurgalo xaaladdiina, dhegaysto xogta iyo warbiximaha aad jeceshihiin inaad ila wadaagtaan, islamarkaana aan indho indheeyo oo kormeero halka ay tahay inaan ka bilaabo dib u habaynta iyo dib u dhiska aan la doonayo Ciidanka Qaranka, dal kasta oo dunida kamid ah haybaddiisa, sharaftiisa iyo quruxdiisu waa ciidankiisa Qaranka,โ ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu u bushaareeyey Ciidamada Qaranka inuu ka dhabaynayo ballanqaadkiisii dhinaca mushahar-kordhinta ciidanka iyo dib u habayntoodaba, culays kasta oo jirana uu fulinayo ballantiisii, waxana uu yidhi,โInkasta oo dhaqaalaha Somaliland uu hoos dhac ku yimi sannadihii 2022, 2023 iyo 2024-ka sababo aynu wada ognahay awgood oo ay kamid yihiin in dalku galay dagaallo, doorashooyin iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhaawac weyni soo gaadhay sida gubashadii WAAHEEN iyo WAJAALE, haddana waxa aan fulin doonaa mushahar-kordhintii ciidanka ee aan ballan qaaday ee ahayd Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton muddo-xileedkayga, waxana aan kusoo saari doonaa Degreeto Madaxweyne sida ay u kordhi doonto.โ
Kormeerka Madaxweynuhu ku tegay taliska guud ee Ciidanka waxa ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, La-taliyaha Amniga Qaranka iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka.
Wa-bilaahi Tawfiiq
The President of the Republic of Somaliland Inspects National Army Headquarters and Delivers Key Address to the Forces
โI will fulfill and officially decree the promises I made during the election campaign regarding salary increments for the armed forces.โ
The President of the Republic of Somaliland and Commander-in-Chief of the National Armed Forces, H.E. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), visited the National Army Headquarters today, where he inspected various sections of the facility and delivered an important speech to the troops.
Upon arrival, the President was received with military honors by a unit of the National Army and welcomed by Army Commander General Nuuh Ismail Taani, along with senior officers. He toured the headquarters, inaugurated newly constructed facilities, and assessed ongoing operations.
General Nuuh Ismail Taani expressed his gratitude for the Presidentโs visit, describing it as a significant morale boost for the troops and leadership.
In his address, President Irro praised the armed forces for their bravery, dedication, and sacrifices in service to the nation. He highlighted the purpose of his visit as an opportunity to listen to their concerns, evaluate their needs, and lay the groundwork for reforms and improvements.
โToday, I have come to understand your situation firsthand, hear your feedback, and identify where to begin rebuilding and modernizing the National Army. The dignity and strength of any nation lie in its armed forces,โ said President Irro.
The President reaffirmed his commitment to delivering a 250% salary increment for the armed forces during his tenure, a promise made during his election campaign. He acknowledged the economic challenges Somaliland has faced in recent yearsโincluding conflicts, elections, and the destruction of vital infrastructure such as the Waaheen and Wajaale marketsโbut assured the troops that these difficulties would not deter him from fulfilling his pledge.
โI will implement the promised salary increments through a Presidential Decree. Despite the economic downturn, I remain committed to reforming and strengthening the armed forces,โ the President emphasized.
The visit was attended by members of the Cabinet, the National Security Advisor, and senior commanders from various branches of the armed forces.
Hussein Adan Igeh (Deyr)
Spokesman for the President of the Republic of Somaliland