Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Jawaab adag ka bixiyey Awaamiir Deelqaaf ah oo kasoo baxay Dawladda Xamar.

Hargeysa-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab cad ka bixiyey awaamiir naflacaari ah oo maalmahanba kasoo yeedhayey dawladda Xamar, kuwaas oo liddi ku ah qarannimada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu dawladda Xamar iyo maamulkeedaba ku tilmaamay kuwo magan u ah dawlado shisheeye, islamarkaana aan tahli Karin inay is maarayso, balse hadal-xumo aan afkooda dhaafsiisnayn meel walba ula taagan Somaliland, waxana uu yidhi, “Maalmahan dawladda Xamar ka dhisan ee maganta ugu jirta Afrikaanka, ayaa aad inoogu hanjabaysa, talo xumada koowaadna waa madaxweynaha Xamar joogaa isaga oo aan gurigiisa ka xukumin Xamar ayuu meel walba ka sheegayaa inuu Somaliland kasoo saaray waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tegi karto, baanankuna ma tegi karaan, waana naftii hafar.”

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray inaanay Somaliland mar na dheg u dhigaynin hoggaan dhuun yeedhis ah oo tiisiiba la caddilan,“Waxa uu ku hadlay annagu Somaliland ahaan dheg u dhigi mayno, hadduu Somaliland wax yeeli karayo ama uu cuno qabatayn karayo beri hore ayuu fulin lahaa, laakiin maanta waxaad mooddaa inuu dhuun yeedhis yahay oo wixii Afkiisa kasoo baxaba uu Somaliland kusoo qabanayo

“Waxaa uu sheegayo Somaliland shacabkeeda iyo annaguba u qaadan mayno colaad ka timi dadweynaha ee waxanu u qaadanaynaa colaad ka timi koox siyaasiyiin ah oo isku duubaya hoggaanka, iyagana jar ka tuuraya, dadkana colaad ku beeraya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay dawlad ahaan soo dhaweynayaan, lana shaqaynayaan cid kasta oo shuruucda iyo qawaaniinta Somaliland ku shaqaynaysa, cid kasta oo kusoo gardarrootana talloobo cad ka qaadi doonaan, waxana uu yidhi,“Dawladaha caalamka ka dhisan oo dhan mid kasta oo sharciga Somaliland soo marta oo wax wada qabsi iyo ganacsi doonaysa waa soo dhaweynaynaa, waana la shaqaynaynaa, dawlad kasta ama koox kasta oo Somaliland far ku xagatana shan baanu ku xaganaynaa.”

Wa-bilaabi Tawfiiq