Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo Kormeerku Tegay Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Ethiopia

Addis-Ababa -(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mida Weftigii uu hoggaaminayey oo weli ku guda jira safarkoodu dalka Ethiopia ayaa galabta booqasho ku tegay Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Qaranka iyo xubnaha weftigiisa waxa halkaa ku soo dhaweeyey Amb. Cumar Cabdilaahi Badde iyo Safiir ku xigeenkiisa Amb. Barkhad Maxamed Kaariye oo hormuud u ahaa hawl-wadeenada iyo diblumaasiyiinta ka hawl-gala Safaaradda.