Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, kulamadaas oo goob joog uu ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa ku saabsanaa amniga iyo xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada.