Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya OO Booqasho-tacsiyeed ku Tagay ee Kuweyt

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulamy.