Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya waxaanay ka dalbadeen inay dardar galiyaan ansixinta sharciga doorashooyinka dalka oo wali hor yaala Golaha.
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa Golaha ka hor akhriyey khudbadan uu kaga hadlaayey muhiimadda ay leedahay in doorasho heshiis lagu yahay inay Soomaaliya ka dhacdo wakhtigii lagu heshiiyey.
Madaxweyne Xasan ayaa Golaha Baarlamaanka u sheegay haddii heshiis laga gaadhi waayo sida ay dawladda federaalka iyo maamul goboleedyadu u soo dooranayaa madaxweyne in ay go’aan ka gaadhi doonaa beesha caalamku.
Hadalkan ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqona hadal aan looga baran madaxweynaha inuu sidan oo kale uga hadlay haddii khilaafka dheeraado in cid kale Soomaaliya arimaheeda go’aamin doonto.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore dawladda federaalka ahi ugu soo gudbisay qorshaha hanaanka doorashadda waxaanay muran iyo dood dheer ka dhex abuurtay golaha, ilaa iyo haddan wax go’aan ah kamay soo saarin.