Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Sakariye Maxamed Axmed, Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudoomiye Ku Xigeenkii Maaliyadda iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Marxuum Abuukar Maadey iyo dhamaan muwaadiniintii ku dhintay weeraradii qaraxyo ee maanta lagu qaaday Xerada lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin jiritaanka umadda ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaannada Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab, kuwaaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda & dadka degaanka ee hubka qaatay.
โInnaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyada in hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo