Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay magaalo madaxda Soomaaliye ee Muqdisho ayaa gaadhay magaalo madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ka dibna waxaa loo gelbiyay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi.
Ujeedda booqashadda madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah sidii uu uga qeybgalilahaayeen munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuut Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad ku guuleeystay doorshadii madaxtinimada ee bishii March ka dhacday goboladda iyo degmooyinka jamhuuriyadda Jabuuti.
Booqashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qayb ka ah kulan ay isugu iman doonaan madaxweynayaash geeska Afrika oo lagu soo casuumay xafladda dhaarinta madaxweynaha ee Jabuuti.