Madaxda Mareykanka, Mexico iyo Canada oo shir ku leh Mexico City

MEXICO CITY – (WARSOOR) –  Hogaamiyeyaasha Mareykanka, Mexico iyo Canada ayaa sheegay inay ka wada shaqeynayaan qaar ka mid ah mushkiladaha ugu waaweyn ee dalalkooda heysta.

Qodobadan ayaa waxaa ka mid ah socdaalka sharci darada ah, isu gudbinta daroogada, heshiisyadooda dhinaca ganacsiga ah oo wajahaya tartan adag oo ka heysta dhinaca Shiinaha iyo sidii loogu midoobi lahaa duulaanka uu Ruushku ku hayo Ukraine.