Maayirrada Magaalooyinka Somaliland iyo Masuuliyiinta Dhiggooda ah ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Kulan Yeeshay

JIGJIGA – (WARSOOR) – Maayirrada Magaalooyinka Somaliland iyo Masuuliyiinta dhiggooda ah ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan ka yeeshay is dhexgalka dhaqaalaha gaar ahaan Faaiidooyinka dariiqa Berbera Corridor u leeyahay gobollada uu maro iyo deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa ka qaybgalay kulanka oo ka dhacay jaamacadda jigjiga.