Ciidamada Lubnaan oo Ku Khaarajiyey Hogaamiyaha Dawladda Islaamiga Xadkal Suuriya
Lubnaan – (warsoor) – Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dawladda Lubnaan iyo ilo-wareedyo laga helay ciidamada amaanka dalkaasi, ciidamada Lubnaan ayaa dilay maanta oo khamiisa hogaamiyihii dawladda Islaamiga ah ee Lubnaan.
Ninka la khaarajiyey ayaa magaciisa lagus heegay Nayif Al-Shaalam waxaan loo aqoonsaday inuu yahay hogaamiyaha Daacish ee dalka Lubnaan. Warbaahinta Lubnaan ayaa sidoo kale ku sheegay magaciisa hogaamiyahan Abu Fawz. Hawl-galkan ayaa ka dhacay goobta la yidhaah Arsal ee Lubnaan Waqooyiga.
Buuraha Waqooyiga Lubnaan ku yaala ee xiga xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Suuriya waxaa muddo shan sano ah ay dagaalo ku dhexmarayeen ciidamada xooga dalka Lubnaan iyo dagaalyahanadda Daacish iyo maleeshiyaadka jabhadda Nursa ee gacan saarka la leh Al-qaacidda.
Dagaalyahanadda Nusra iyo Daacish ayaa tan iyo 2014 gacanta ku hayey buurayda Arsal, waxaana hawl-galo joogto ah oo ay ciidamada dawladda Lubnaan ay ku qaadeen aagaasi ay kala wareegeen gacan ku haynta deegaanadda ku teegsan xadka Waqooyiga Lubnaan.