Mahad dhamaanteed Eebe ayay u sugnaatay, Naxariis Iyo Nabadgelyana Suubanaheena Muxammad. Intaas ka dib waxaan salaamaya Saxaafadda oo iyadu habeen iyo maalin heegan u ah inay u gudbiyaan dadweynaha fariimaha iyo wararka ay u baahanyihiin inay helaan.
Akhriste waxa laga yaabaa inaad is weydiiso, tolow gartan Kulmiye iyo Waddani loo qaadayaa maxay ahayd. Anigu gar qaadi maayo, ee waxaan rabaa qaylada yeedhaysa waxay daarantahay inaan fikirkayga ka dhiibto, si malahayga dadka qaar badan oo ku jaahwareeri lahaa wax loogu biniixiyo, si ay maankoodana ula kaashadaan, oo Ilaahay idamkii fidno siyaasadeedna aynu kaga nabadgalno.
Dhowr casho ka hor (Nov 27, 2016) waxa Guriga Dawladda Ee Gobolka Togdheer ku qabsoomay shir ay ka qayb galeen Beel ka mid Beelaha madaxweyne Silaanyo kasoo jeedo, dhalasho ahaan, Wasiiro Xukuumadda ka tirsan iyo madax kale, madaxdaas dawladda oo badidoodu ama dhamaantoodba kasoo kala jeeday Beelha Madaxweynaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye. Shirkaas waxa kale oo isna fadhiyay Madaxweynaha qaranka Mudane Ahmed Siilaanyo. Nuxurka Shirkaasu wuxuu kusoo ururayay in Beesha soo xaadirtay ay Madaweynaha u muujiyaan ta’yiid iyo taageero ay u hayaan cugashada uu Muuse Biixi u doortay inuu Xisbiga u ordo Doorashada Madaxtooyada ee dhacaysa March, 2017, Waxa kale oo odayaashi hadlay carabka ku adkeeyeen inay taageeradaas cod ku muujin doonaan, sidaana ardaayadooda kaga wakiil yihiin.
Xisbiga Waddani oo aanay Madaxdoodu u kala hadhin ayaa qaylo cirka ku tolay, iyagoo ka jawaabay kulanka laftiisa, erayadii laga yidhi madashaas iyo saamaynta ay ku yeelanayso bulshadeena, siyaasad ahaan gudo iyo dibadba, amni ahaan iwm (waa sida Waddani ahaan ay ula muuqataye).
Arintu markay halkaa marayso dad badani waxay u arkeen falcelintii Waddani ee xooganayd mid macquul ah, shirkaa Burco lagu qabtayna aanu weji fiican u dhicin, argatiyo kale ayaa iyana u arka in aanu wax dhible ahayn, Qaar kaloo badan farqiba uma samaynayso oo waxay ku leeyihiin waa iska siyaasaddii Landta e.
DHAQAN SIYAASADEEDKA SOMALILAND
Aan kusoo dhowaanee, waxaynu isweydiinaynaa Kulmiye Wasiiradiisu wixii ay samaynayeen ama sameeyeenba ma Qabyaalad bay ahayd? Mucaaradku se tolow sidan Kulmiye oo kale dhaqan-siyaasi ahaan iyagu ma sameeyaan?. Su’aalahaas jawaabahooda waa muhim in aynu is dultaagno. Marka hore se, Inatynaayn cid khalad ku oogin, waxa is weydiin mudan: “Horta Somaliland Syaasaddeedu waa dhaqan nooce ah, side se looga dheelaa?” Suaa’sha jawaabteeda meel fog laga dooni maayo aniguna idiin laqimi mayo, ee dee waa waxa maalin walba idin hor yaala, ee aragtaan, maqashaan.
Tusaale ahaan maalin kasta waxaa maqashaan Xaflado la qabanayo, qaar Beelo qabsanayaan, oo lagu casuumayo Xisbiga markaa beeshaasu doonayso inay taageero cod siiso. Kadibna waxa layidhaa haddaanu Reer Hebel nahay Xisbi hebelow waanu ku taageernay ayaa kor loo yidhaahdaa. Xafladdan kahorna waxbaa kollay hoos laysu soo yidhi, oo ay u badantahay inay ahayd “Guddoomiye –Musharax Xisbi Helbelow haddanu Beesha Hebla nahay maxaad noo haysaa oo aanu cod kugu siinaa?”. Guddoomiye Hebelna wax buu soo balanqaady, iyagiyo Ilaahay uunbaa isla oge. Mararka qaar Magaca Beesha ayaa Afka laga yara duwaa oo waxa layidhaa “Haddanu nahay Beesha waqooyiga/bariga/gabeedla/koonfurta Magaalo Hebla”….
Waxaa in badan aragteen, iyadoo Guddoomiyayaasha Xisbiyada iyo Wasiirada Xaflado Degmooyin loogu wanqalayo loogu yeedhay, oo nin waliba ku dadaalayo, marka micro-phoneka loo dhiibo, inuu Beesha markaa lala hadlayo kudadaalo inuu bal meel uun kasoo galo oo ku abtirsado. Dabcan Ninna meel uu ka sudho ma waayo, oo dadku waa-iswada-yahee meel uu kasoo xorataystuu waayayaa.
Sidaan xusay Guddoomiyayaasha Xisbiyada iyo madaxduba Beelaha magac Beeleed bay kula kulmaan, kula shiraan, balanqaadana way u sameeyaan. Balanqaadadaas badankooda si rasmiya looma soo bandhigo, qaarkoodse waa la shaaciyaa, sidii marki dhowaan Guddoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Waddani C/raxman Cirro uu Sheegay in Guddomiyanimada Xisbiga uu ku Wareejinayao Beesha Balli-Gubabdle. Dadka qaar baa u arkay qabyaalad lala Jahray oo ay ahayd in la asturo. Anigu dhib uma arkayn, waayo dee haddaad khamiis soo xidhato iyo haddad suudh soo xidhato waa adigii uun.
Su’aal kale ayaa ah Xisbiyadau qabyaalad ma ku dhisan yihiin amase xukuumadduba? Akhristayaasha qaar baa odhan kara Maya kuma dhisna. Anigu Haa iyo Maya toona ku odhan maayo, laakiin waxaad is weydiisaa, maxay ka dhiganthay marka la leeyahay: “Halaga Wada Muuqdo, Saami Qaybsi, Haddaanu Reer Hebel Nahay Arinkaa Yeeli Mayno, Qoondo (quota) Haloo Sameeyo Reer Hebel, Haddaynu Somaliland nahay Dee Beelaynu Nahay…iwm”. Halkaa markay marayso waxaynu odhan karnaa Siyaasaadda Xisbiyadeenu qabyaalad ayay ku dhisantahay, ama Beelo ayay ku dhisantahay, ama deegaamo, sidaad doontaba u dhigoo. Guntuna waxa weeye Somaliland waxaad moodaa inay ku heshiisay, Waar Aan Wax Qalano Middiyahana Qarsano.
SHIRKII BURCO MAXAA LAGU QOONSADAY
Aniga aragtidayda waxay ila tahay dadku wayska qabyaalad ku noole, oo taa may diidine waxa la diiday laba khalad ee ay sameeyeen masuuliyiintii xafladda soo abaabulay; waa ta koowaade, waxay ahayd in xafladdu ku ekaato mid taageero oo keliya ah iyo in Musharaxa cod la siinayo, Beelaha magacyadooda ha laguba dhawaaqee. Midda Labad oo khaladka weyn ahayd waxay weeye in aan la tifatirin warka qaybta ay tahay in faahinta dadweynaha la geliyo iyo inta kale ee aanay ku qurux badnayn in la faafiyo. Taana waxay ila tahay waa khibrad la’aan ama taxadar la’aan ka dhalatay ciddii Warbaahinta iyo qabanqaabada Madaxweynaha u qaabilsanayd ama hagaysay.
MADAXWEYNUHU MIYUU ARINKA KU CEEBAYSANYAHAY
Madaxddii Xisbsiga Waddani ee hadlay waxay Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ceebobay, shir noocaas ahna aanay ahayn inuu kasoo muuqdo. Aniga waxay ila thay marka lagu eego dhaqanka siyaasiga ah ee maanta Somaliland yaal Madaxweyne ceeboobay inooma muuqdo, waxa arinta sirgacay oo sawir kale u yeelay waxa weeye, war daakhili ah oo dibadda loo saaray. Waayo, maanta Salli baa lagu wada fadhiyaa Siyaasi aan Beeshiisa iyo Jifadiisa la soo shirin oo waxaa iyo wax kadaran kusoo hadlin ma jiro. Marar badan baynu aragnay iyadoo ay dibadda usoo baxday kuwo aan lagu tala gelin oo warbaahintu qoreen.
Waxaa kale oo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Waddani ku celceliyeen, “Madxweynuhu inuu dhex ahaado weeye…waa Madaxweyne Qaran”. Haa dhinac waa sax, oo Madaweynuhu waa dhex marka ay timaado in dadweynaha uu madaweynaha u yahay wixii amaano uu u hayay waa inuu caddaalald soor u sameeyo, sida: fursadaha shaqo, waxbarasho, biyo iwm oo si fiican ugu qaybiyo. Laakiin “Laakiin ogow Madaxweynu Siyaasiyan dhex maaha..mana noqon karo..inuu noqdana maaha”, waayo dee Xisbi buu ka tirsanyahay, shaqadiisu waa in xisbigiisu guulaysto, cod iyo taageerana Xisbigiisa u raadinayaa”..
GUNAANAD
Waxay ila tahay Xikmaddu waxay ku duugnayd kelmado ku jiray hadalkii Siciid Sulub markii uu yidhi “Dharkaaga oo wasakhaysan, yacnii uskag badan leh, shaaraca laguma maydho”, oo macnaheedu yayahay kuwiina dadka u talinaya ee hoggaaminayow, bal markaad shirtaan waxaad lasoo kacaysaan ee dadweynaha u shegaysaan iyo waxaad laabihiina ku reebaysaan bal hadda fiiro u lahaada. Waa hadal ninweyn, sideedabana hadal waa kii cad ee kooban.
Dhinacii tartanka Xisbiyada markaynu ula kacno, waxaynu leenahay Waddaniyow gool ku laad fiican oo dhinaca warbaahinta ah ayaad meeshaa ka heshay, fursaddaa inaad ka faa’iidaysatana xaq baad u lahayd, laakiin dee meeshu waa harag sakaaro e laxanka aad hawsii saarina, khalad saxaafadeed oo dhacay wax ka badani meesha kuma jiraane. Waar Kulmiyow dee adna is habee, oo ka dee ka bax dhiidhiga Burco ha dhexjiifine.
Qoraalkaygan waxaan kusoo afmeeri “Walaalayaal Muxaafid iyo Mucaaridba Waxay dadweynuhu idinka filayaan inaad tartan wanaagsan garoonka la timaadaan”.
Walaahu Aclam
Cabdiraxman Caydii