Kulan Ku Saabsan Xidhiidhka Booliska Iyo Dadweynaha Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Hogaanka Tababbarada Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay tababbar ku saabsan xidhiidhka booliska iyo dadweynaha.

Tababbarkaas oo loo qabtay ciidanka saldhiga degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa iyo guddida nabadgalyada degmadaas, ugu horeyn waxa halkaas hadal ka jeediyey Cabdisalaan Yuusuf Faarax oo ka socday hay’adda UNDP, oo sheegay in ay muhiim tahay in bulshada lagu wacyigeliyo sidii ay u adkayn lahaayeen illaalin nabadgalyada, isaga oo xusay in meel kasta aanu joogi karin boolisku, balse ay muwaadiniyiintu ogaan karaan waxyaabaha agaggaarkooda socda ee wax u dhimi kara xasiloonida bulshada isla markaana ay haboon tahay in ay la wadaagaan laamaha amniga ee u xilsaaran nabadgalyada.

Wuxuuna masuulka ka socday hay’adda UNDP u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo taliska ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo uu tilmaamay in ay wada shaqeyn wanaagsani ka dhaxayso, isaga oo intaas ku daray in tababbarkaasi aanu ahayn kii u horeeyey ee noociisa ah isla markaana aanu noqon doonin kii u dambeeyey.

Waxa kale, oo tababbarkaas ka hadlay hogaanka tababbarada ciidanka booliska Somaliland gaashaanle sare Ibraahin Cabdi Xaaji, oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu furo tababbar ku saabsan kor u qaadida ka dhaxaysa xidhiidhka booliska iyo dadweynaha degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, wuxuuna tilmaamay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo boolisku, isaga oo ka codsaday guddida nabadgalyada degmada Maxamed Mooge in ay bulshada iyo booliska isku xidhaan maadaama ay iyagu matalayaan bulshadii gacana siiyaan ciidanka booliska ee ka shaqeynaya nabadgalyada.