Muqdisho โ (warsoor) โ Ku-simaha Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta magaaladda Muqdisho ku qaabilay Safiirka dawladda Maraykana u qaabilsan Soomaaliya.
Safiirka Dawladda Maraykanka u qaabislan Soomaaaliya ayaa ka waraystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya hawlaha Baarlamaanka Soomaaliya u yaala iyo waxyaalaha ay u baahan yihiin in wax lagala qabto Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa ugu horayn u mahadnaqay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya taageeradda ay dawladda maraykanku siiso xukuumadda iyo shacabka Soomaaliya.