Khasaare Wayn oo Ka Dhacay Fatahaad Ka Dhacday Liibiya

Liibiya – (WARSOOR) – Magaalada Derna ee ku taalla Bariga Liibiya ayaa lagu aasay 700 oo qof oo ku dhintay daadad ba’an, iyadoo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay.

Kooxaha gurmadka ayaa la tacaalaya sidii meydad badan oo kale ay uga soo saari lahaayeen daadadka argagaxa leh, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen. Warbixin ay diyaarisay wakaaladda wararka ee Associated Press waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.