Kenya oo wadahadal ka galaysa sidii ay ciidankeeda ugala bixi lahayd Soomaaliya

Soomaaliya – (warsoor) – Kenya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay wadahadal ka gasho sida ay ciidamadeeda uga baxayaan dalka Soomaaliya, sida uu ku warramay wargeyska Nairobi ka soo baxa ee Daily Nation.

Wargeyska ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga Kenya, Monica Juma ay hormuud ka noqon doonto wadahadalka oo qeyb ka ah qorshaha ciidamada AMISOM, Soomaaliya looga saarayo 2021-ka.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October 2011 gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaa ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo khatar ammaan ku hayay amniga waddankooda. Waxa ay hadda ku sugan yihiin qeybo kamid ah Jubaland.

Tan iyo 2011, xooggaga Al-Shabaab ayaa weerarro dad badan ay ku dhinteen ka fuliyay gudaha Kenya, taasoo keentay in qaar kamid ah shacabka iyo siyaasiyiinta dalkaasi ay dalbadaan in ciidankooda laga soo saaro Kenya.

Warkan ayaa soo baxay xilli todobaadkan uu dagaal xooggan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ku dhexmaray degmada Beled Xaawo ee dhacda xuduudda labada dal. Qaar kamid ah ciidanka Jubalanda ee looga awood roonaaday dagaalka ayaa u baxsaday dhanka Kenya, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa isku haya arrinta xuduudda badda ee kala qeybisa labada waddan, waxaana sanadihii dambe sare u kacay khilaafka u dhexeeya.

Qorshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah in marka la gaaro 2021 ay ciidamada AMISOM ammaanka Soomaaliya ku wareejiyaan ciidamada xoogga qaranka, arrintaasi oo aan la ogeyn sida ay u suuragelayso.

Kulan ay dalalka ciidamada ku biiriyay AMISOM bishii March 2018 magaalada Kampala kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxa ay ku sheegeen in ay adag tahay dhimidda ciidamada AMISOM marka la eego khatarta ka imanaysa Al-Shabaab.

Xigasho: BBC SOMALI