Kenya oo soo dhoweeysay ansixinta Golaha Ammaanka ee ciidamo loo diro Haiti

NAIROBI – (WARSOOR) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo dhoweeyey go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku go’aamiyey in ciidamo loo diro dalka Haiti ee ku yaalla gobolka Kariibiyaanka oo ay dawladda ka awood bateen kooxo hubaysan oo dambiilayaal ah.

Kenya ayaa horey ugu yaboohday inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo loo diro Haiti oo dhan kun askari.