Muqdisho โ (warsoor) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahanno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fulisay degaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in diyaarado Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ay duqeeyeen Saldhigga Al- Shabaab ee degaanka War-Gaduud oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka gedo.
Sarkaalkaasi oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xusay in duqeyntii ka dhacday degaanka War-gaduud lagu dilay taliye ku xigeenkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Gedo ninka lagu magacaabo Cali Shangalow.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay sarkaalkaasi u hadlay ciidamada Kenya in ay dileen tiro kale oo Al-Shabaab ah, oo ku sugnaa Saldhigga la duqeeyay.
Xigasho: Sonna