Kenya Oo Hawlaha Visaha U Fududaynaysa Shacabka Soomaaliya

Muqdisho – (WARSOOR) – Dawladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay muwaadiniinta Soomaaliya ay u fududeyn doonto fiisaha dalku galka ee dalkeeda.

Go’aanka ay gaadhay dawladda Kenya ayaa soo baxay ka dib markii xoghayaha arimaha dibadda ee dawladda Kenya Amb. Macharia Kamauuu iyo wafti uu hogaaminaayo ay booqasho ku yimaadeen dalka Soomaaliya.

Xoghahaya oo Soomaaliya yimid 7 November ayaa kulamo la yeeshay dhigiisa Soomaaliya waxaanay ka wadda hadleen sidii arimaha iskaashiga iyo nabad-galyadda looga wadda shaqeyn lahaa.

Kenya ayaa waxa dalka Soomaaliya ka jooga muwaadiniin gaadhaya in ka badan ilaaa 5,000. Sidoo kale waxaa jira tiro malaayiin Soomaali ah oo ku nool Kenya.