Hargeysa – (warsoor) – Kalfadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta laguย ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddelย lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.


Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:
1. Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo
2. Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.
—
Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland