Jubaland oo dib u-dejin u sameysay boqolaal qoys oo ku barakay abaaraha

KISMAAYO โ€”ย (WARSOOR) – Maamulka Jubbaland ayaa dib u dejin u sameeyay boqollaal kamid ah qoysaskii ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay kusii qulqulayay duleedka magaalada Kismaayo.

Dadka dib u dajinta loosameeyay ayaa xoolahoodii waxa ay ku waayeen abaaraha baahsan ee ku dhuftay deegaanada Jubbaland.