Israel oo Sheegatay Dilka Taliye Sare oo ka Tirsan Xizbullah

Beirut – (WARSOOR) – Milatariga Israel ayaa sheegay in Khamiistii ay dileen taliye ka tirsan Xizbullah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan, iyagoo sidoo kale ku dhawaaqay wareeg cusub oo ah amarro ay ku bixisay in laga baxo Dooxada Bekaa.

Dhinaca kale, dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 16 qof Arbacadii lagu dilay duqeymo cirka ah oo Israel ay ka fulisay magaalada Nabatieh.