Israa’iil oo Qaza ku dishay 18 qof, iyo Falastiini toorray ku dilay 2 Israa’iiliyiin ah, gudaha Tel Aviv

QAZA – (WARSOOR) – Duqayn ay Israa’iil ka geysatay Axaddii marinka Qaza ayay ku dhinteen 18 qof, waxaana dadka dhintay ku jira 4 qof oo ku sugnaa taandhooyinka loo dhisay dadka barakacayaasha ah oo ku yaalla gudaha goob cusbitaal ah.

Dhinaca kale waxaa magaalada Tel Aviv ka dhacay weerar loo adeegsaday midni oo uu fuliyey qof Falastiini ah, waxaana uu halkaas ku dilay laba qof oo Israa’iiliyiin ah.