Imaaraatka oo xayiraaddii dal-ku-gal ka qaaday Nigeria

ABU DHABI —  (WARSOOR) – Nigeria ayaa u riyaaqday in dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta uu ka qaado xayiraad ka saarnayd dal-ku-galka ama fiisaha dalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay toddobaadkan yeesheen madaxweynayaasha Nigeria Bola Tinubu iyo Isu-taga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa sidoo kale Imaaraatka la gaaray heshiis maalgashi oo ku kacaya balaayiin dollar, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaasi Nigeria.