Imaaraadka Carabta Oo Ka Noqday Qorshihii ahaa Inuu Saldhig Milatari ka Sameysato Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Warbixint ay diyaarisay shabakadda The National ee ka soo baxday Imaaraadka Carabta ayaa lagu baahinay in dawladda Imaaraadka carabtu ka noqotay qorshaheedii ahaa inay Somaliland Saldhiga Milatari ka samaysato.

Wargeyska ayaa qoray in dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig militari ku lahayd dalka Eritrea tan iyo sanadii 2015, hase yeeshee ay ka laabatay qorshihii ay saldhig kale uga dhiseysay Berbera.

Qorshahaas ayaa waxaa si weyn uga hor-yimid baarlamanka Soomaaliya oo isla sanadkii 2017 ansixiyey mooshin ku amraya Imaaraada Carabta inay joojiyaan dhismaha saldhiggaas, kana baxaan dalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 14-kii September 2019 shaaciyey in garoonka Berbera ee militariga Imaraaadka Carabta loo beddelay garoon shacab, taasi oo markii ugu horreysay muujisay is-beddel ku yimid qorshihii Imaraaadka.

Hase yeeshee, Muue Biixi ayaa maalin kadib hadalkaas ka laabtay, isaga oo sheegay sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”.

Xigasho: Caasimada