Kuuriyadda – (warsoor) – Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisu aanay isticmaali doonin hubka nukliyeerka ah ilaa lagu xad-gudbo madax-banaanidiisa mooyaan, taasi oo uga iman karta waddamada kale ee caalamka.
Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegay in jecel yahay inuu soo nooleeyo xidhiidhka dalkiisu la leeyahay dalalka ay cadaawadu ka dhaxayso.
Dawladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa marar badan soo saartay war-murtiyeedyo ay ku shaacinayso hanjabaad isdaba joog ah oo ay ku sheegayso inay weerar ku qaadi doonto waddamada Maraykanka iyo Kuuriyadda Koonfureed. Waxaanay hanjabaadaasi ay marar badan kala kulantay in qaramadda Midoobay ay qaraar ka soo saaraan hubka ay haysato Kuuriyadda Waqooyi.
Wargeyska Rodong Sinmun ayaa sheegtay in hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim uu dajiyey qorshe shan sanadood ah oo lagu kobcinaayo dhaqaalaha dalkaasi, sidoo kale isticmaalka adeega laydhka ee Kuuriyadda Waqooyi lagu xoojinaayo.