Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Oo Gobolka Sanaag Ka Bilawday Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawladda

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Madaxtaabashada Shaqaalaha Dawladda ka Bilawday Magaalada Ceerigaabo Ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Sida uu ku soo waramayo wariye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sanaag, ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay isuduwaha hay’adda shaqaalaha dawladda ee gobolka Sanaag Cabdirisaaq Warsame Maxamed, oo masuuliyiinta iyo hawlwadeennada hay’adda shaqaalaha ku soo dhaweeyey gobolka Sanaag, isaga oo uga mahadceliyey hawlsha ay ka bilaabeen gobolkaas.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda qorsheynta ee hay’adda shaqaalaha dawladda Cabdiraxmaan Waayeel, oo sheegay in hawsha madaxtaabashada ay ka soo fuliyeen inta badan gobollada dalka afarta maalmood ee soo socdana ay ka fulin doonaan gobolka Sanaag.

Gabogabadii waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Xamse Suldaan Aadan, oo sheegaay in ay gobolka Sanaag ka diiwaangelinyaan saddex qaybood oo kala ah Ardaydii shaqo qaran, qayb ka mid ah shaqaalaha rasmiga ee dawladda oo laga qaatay shaqaalihii hore loo diiwaangeliyey iyo shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee dawladda.

Wuxuuna agaasimaha guud ee hay’adda shaqaaluhu intaas ku daray in ujeeddada laga leeyahay tahay sidii loo hubin lahaa isla markaana loo xaqiijin lahaa in shaqaalahaasi yihiin shaqaalihii rasmiga ahaa, kuna sugan yihiin goobtoodii shaqo ee laga doonayey iyo in shaqada dawladdu u socoto sidii loo qorsheeyey ee loogu talo galay.