Hay’adda Qatar Charity oo kumanaan qoys gaarsiisay mashruuca qeybinta Ud-xiyada

Muqdisho – (WARSOOR) – Kummanaan qof oo dan yer ah,kuwaasi oo kunool Muqdisho iyo gobolada Dalka ayaa si isku mid ah uga faa’ideystay mashruuc qeybinta xoolaha Ud-xiyada,kaasi oo hay’adda Qatar Charity ay ugu talagashey in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed oo danta yer,iyadoo dowladda Soomaaliya ay talaabadaasi soo dhaweysay.

Meelaha mashrrucaasi laga fuliyay waxaa kamid ah,Muqdisho,iyo qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya,iyadoo wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Hay’adda Qatar Charity ay wada jir u kormeereen goobaha lagu qalo xoolaha ee Muqdisho,iyagoo u kuurgalayay tayada hilbaha iyo bad qab ahaan

Guddoomiye kuxigeenka Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya C/fataax Aadan Macalin ayaa Wakaaladda (SONNA)uga waramay ujeedka mashruucan iyo meelaha laga fuliyay.

“Dabcan mashruucan aan halkan ka daahfurnay wuxuu ka socdaa qeybo badan oo kamid ah dalka, sida Muqdisho,Baydhabo,Kismaayo,Baladweyne,Hargeysa,iyo meelo kale oo badan,waxaan gaarsiinaynaa hilibkii udxiyadda oo aan ugu talagalnay qoysaska danyerta ah ee u baahan gar gaarka”.Ayuu yiri Cabdifataax Aadan Macalin.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso talaabadda loogu gargaarayo dadka Soomaaliyeed ee danyerta ah.

“Maamulka Hay’adda Qatar Charity,waxaan ku ammaanaynaa shaqo wanaagga,iyo howsha ay horey u wadeen oo gar gaar umadeed ah,anagana waan dhiirogelinaynaa,mana iloobayno in lala xisaabtamo kuwo sida mugdiga ah u shaqeynaya”.ayuu yiri wasiir Dhuubow.

Mashrrucan oo soconaya sedexda maalmood ee ciidda Carafo ayaa qeyb ka ah howlaha samafalka oo Soomaaliya ay ka waddo Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya,iyadoo ay jiraan kaalmooyin kale oo bulshada lagu daryeelayo,sida Iskuulaadka,xeryaha barakacayaasha,agoonta iyo kuwo kale.

XIGASHO: SONNA