Hay’adda Qandaraasyada Qaranka JSL Oo 115 Shirkadood Tartan U Qabatay

Hargeysa – (warsoor) – Hay’ada Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Tartan U Qabatay Boqol Iyo Shan Iyo Toban Shirkadood, Kuwaas Oo U Tartamaya Toban Mashruuc Oo Laga Hirgelin Doono Gobollada Dalka Qaarkood.Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen, oo sheegay in mashaariicdaasi ka kooban yihiin toban mashruuc oo ah xarumo caafimaad oo loogu adeegi doono hooyada iyo dhallaanka, isla markaana laga hirgelin doono gobollada Awdal, Gabiley, Maroodi-jeex, Togdheer, Sool iyo Sanaag, isaga oo ballan qaaday in ay si daah-furan u kala saari doonaan shirkadahaas, wuxuuna tilmaamay in ay hawsha tartanku qayb ka tahay siyaasada xukuumadda.Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay agaasimayaasha guud ee hay’adda qandaraasyada iyo wasaaradda caafimaadka Cabdirisaaq Axmed Diiriye iyo Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo soo dhaweeyey shirkadahaas ku tartamaya mashaariicda horumarineed ee caafimaadka, iyaga oo sheegay in si caddaalad ah loo tartansiin doono shirkadaha ka qayb galay tartankaasi, waxayna u soo jeediyeen shirkadaha ku guulaysan doona in ay dhisaan dhismayaal tayadoodu wanaagsan tahay.Sidoo kale, waxaa goobtaas ka hadlay xubno ka mid ah shirkadihii tartankaas ka qayb galay oo sheegay in ay kalsooni badan ku qabaan guddida qandaraasyada qaranka, isla markaana ballan qaaday in ay ku qanci doonaan natiijada ka soo baxda tartankaas kuna hambalyeyn doonaan cidda ku guuleysata