Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sanadka Cusub Ee 2023

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2023-ka oo ku beegan Axada 01/01/2023-ka uu hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo beesha Caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u rajaynayaa in Sannadka 2023-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.

Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ku boggaadinayaa dedaalkooda horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada, wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax-wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda, kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamed Cilmi Xasan (Shiine)

Agaasime ku-xigeenka Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.