Muqdisho โ (warsoor) โ War-saxaafadeed ka soo baxay Haayadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ย Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in la mamnuucday in wax hub ah lagu qaato caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya laga bilaabo maanta 11 September ilaa inta uu ka dhamaayo shirka IGAD.
War-saxaafadeedkan ka soo baxay Haayadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ย Soomaaliya kuna saxeexan yahay Taliyaha hayadda Sareeyo Guuto Cabdilaahi Gaafow Maxamuud ayaa lagu shaaciyey digniin ku socotay ciidamada dawladda federaalka ah iyo kuwa amaanka qaabilsan ee shirkadda gaarka ah u shaqeeya in aanay wax hub ah la dhex socon karin caasimadda Soomaaliya tan iyo inta uu dhamaanaayo shirkadda IGAD.
Halkan ka akhriyo digniinta lagu shaaciyey war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya: