Gunaanadka Shirkii Nabadaynta Deegaanka Adhi Cadeeye iyo War Murtiyeedkii ka soo baxay

LAASCAANOOD – (WARSOOR) – Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Somaliland, Madax dhaqameed iyo Mudan kale ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu soo gabo gabeeyay heshiis buuxa oo la dhex dhigay laba ardaa oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay deegaanka adhi cadeeye ee gobolka Sool.

Waxaa Munaasibadaas laga akhriyey heshiis 18 qodob ka kooban oo lagu soo afjaray xaaladii keentay shaqaaqo dhex marta labadaasi ardaa.

Sidoo kale Wasiiradda Warfaafinta,  Horumarinta biyaha, Ganacsiga, iyo Arrimaha gudaha ayaa halkaasi ka hadlay soona dhaweeyay heshiiskan labada ardaa ay wada gaadheen.

Muuqaalkan Hoose ka daawo Go’aamadii Shirkaas lagu soo khatimay iyo Hadaladii ay ka jeediyeen Xubnaha golaha Wasiiradda iyo Madax dhaqameedkii kale ee ka hadlay.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: