USA – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu marti-qaaday fadhiga aqalka odoyaasha ee Gobolka Minnesote ee dalka Maraykanka.
Gudoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey fadhigii Galka Senate ee minnesote waxaanay hogaanka senate aad ula dhaceen inay markii ugu horaysay la kulmeen masuul sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo booqasho uga yimid arimaha dalkoodna ka hadlay.
Halkan ka daawo warka gudoomiye Cirro.