Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha ahna musharaxa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Salaasadan maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay shir caalami ah oo uu kaga qayb-galay dalka dibadiisa oo lagu magacaabay German-somaliland business forum, shirkan oo ka dhacay magaaladda Berlin ee dalka Jarmalka .
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirkaasi ay isugu yimaadeen ganacsato Somaliland ka socday oo gaadhay 24 shirkaddood, wasiirka ganacsiga, Wasiirka arimaha dibadda Somaliland iyo 18 shirkadood oo caalami ah.
Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Faysal Cali Waraabe: