Gudida siyaasadda, Arimaha dibada, Iskaashiga Caalamiga Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiilada Jamhuriyada Somaliland oo Kormeer ku tegay Xarunta Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Hargeysa – (WARSOOR) – Gudida siyaasadda, Arimaha dibada, Iskaashiga Caalamiga Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiilada Jamhuriyada Somaliland ayaa maanta Kormeer ku tegay Xarunta wasaarada qorshaynta qaranla iyo horumarinta waxaanay xafiiskiisa kulan kula qaateen
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ujeedada kulanka ayaa ahayd isbarsho guud waxayna gudigu wasiirka ka waraysteen guud ahaan mashaariicda horumarineed ee Wadanka ka socda,Qorshaha Horumarinta iyo Halka uu marayo.

Intaasi kadib Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ahmed Buhane ayaa soo dhaweeyey Gudiga waxaana uu war bixin faah faahsan ka siiyey Hawlaha Shaqo ee Wasaaradda Xogaha kala duwan ee ay soo saarto Wasaaraddu sida xogaha dhaqaalaha Arimaha bulshada iyo sahano lagu eegayo xogta dhabta ee ay ku sugan yihiin Hooyada iyo Dhalaanka oo la rajaynayo in ay dhawaan wadanka ka qabsoomaan.

Sidoo kale Wasiirku waxaa uu faah faahin ka siiyey gudiga halka uu marayo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad oo hada gabo gabo ku dhaw.

Dhanka kale Wasiirku waxaa warbixin ka siiyey gudiga Mashaariicda horumarineed ee Wadanka ka socda iyo sida ay u waafaqayaan baahiyaha iyo mudnaanaha ku qoran qorshaha Horumarinta Qaranka,Wasiirku waxaa uu si gaara u xusay labda Mashruuc ee Biyoole iyo Xogta dhulka iyo Biyaha oo ay Maal galinayaan Baanka aduunka iyo Midawga Yurub.

Ugu dambayn waxay gudiga iyo Wasiirku isla qaateen inay sii xoojiyaan xidhiidhka u dhaxeeya labada dhinac.