Gudida Garsoorka Cadaalada ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Kulan La Yeeshay Komishanka Xuquuqal Aadamah

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudida Garsoorka Cadaalada, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03/10/2023, kulan la yeelatay Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ee uu dhawaan madaxweynuhu soo magacaabay.

Gudiddu iyada oo gudanaysa xilkeeda iyo waajibaadkeeda islamarkaana ka duulaysa Xeer Komishanka Xuquuqada Aadamaha waxay xaqiijin iyo hubin ku samaysay habraacii loo soo xulay islamarkaana loo soo magacaabay inay waafaqsan tahay xeerka.