Muqdisho – (warsoor) – Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga la socodka dib u eegista dhaqan gelinta dastuurka iyo arimaha federaalka ee labada aqal baarlamaanka ka kooban kaas oo looga hadlay dardargelinta arimaha dib u eegista dastuurka.
Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa kulanka markii uu soo gaba gaboobay warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kulankan uu qayb ka ahaa kulamadii ay gudiyada joogtada golaha aqalka sare ay maalmahan u socday.
“Maalinta bari ee bishu ay ku beegan 6, August, waxaa bilaabanaya kulamadii xubnaha aqalka sare ee ay guda galayeen ajandayaasha horyaala si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri guddoomiyaha.
12 Bishii Luulyo ee ina soo dhaaftay ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya uu furey kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xigasho: SONNA