Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye ayaa xilkii u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Saaxil

Berbera – (warsoor) – Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa xilkii u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Saaxil ee Kulmiye iyo guddoomiyehii hore.

Munaasibadda xil-wareejinta labdad goddomiyaha gobolka Saaxil ee xisbiga Kulmiye waxa kasoo qayb masuuliyiin kale duwan iyo taageeroyaasha Xisbiga.

Yuusuf Axmed Hadhac guddoomiyahii hore ee Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil oo madasha ka hadlay ayaa ka waramay Taariikhda xisbiga iyo waqtigii uu  galiyay, waxaanu balan qaaday inuu la shaqayn doono guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Kulmiye ee gobolka Saaxil Sacad Cilmi Guuleed ayaa balan qaaday inuu si hagar la’aan ah ugu addeegi doono Xisbiga.

Ugu dambayna Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa xilkii u kala wareejiyay labada guddoomiye.