Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo kormeeray goobo Is-diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka socoto oo hoos yimaadda gobollada Saaxil iyo Maroodi-jeex

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo uu wehelinayo guddoomiyaha gobolka Saaxil, Mudane Axmed Maxamed Xaashi, ayaa maanta kormeer kusoo sameeyey deegaanada ku teedsan waddada laamiga ah ee u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera oo ay ka socoto wejiga labaad ee is-diiwaangelinta cod-bixiyayaashu.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo maalmihii ugu dambeeyey hawlo la xidhiidha dardargelinta is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha u joogay deegaanno kala duwan oo katirsan gobolka Saaxil, ayaa saaka kasoo amba baxay magaalada Berbera waxana uu kormeeray deegaannada Dari-godle, Xammaas iyo Lafa-ruug oo katirsan gobolka Saaxil iyo degmada Laas-geel oo iyaduna hoos timaadda gobolka Maroodi-jeex, islamarkaana ay si isku mid ah uga socoto is-diiwaangelinta cod-bixiyayaashu.
Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga biiray magaalada Dacar-budhuq, waxana ay si wada-jir ah u kormeereen goobo ay iska diiwaangelinayeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Dacar-budhuq, iyaga oo masuuiyiintani ugu baaqay shacabka inay kordhiyaan xawaaraha ay isku diiwaangelinayaan, kana faa’iidaystaan waqtiga kooban ee hadhay.
Dadweynaha ku dhaqan deegaannada ay weftigani kormeereen ee ku teedsan laamiga u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, ayaa safaf dhaadheer ugu jirey is-diiwaangelinta, waxana ka muuqatay dedaal iyo diyaargarow xooggan oo ay ugu jiraan inay ka faa’iidaystaan fursadda loo siiyey inay mar labaad is diiwaangeliyaan.