Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Kormeeray Goobaha Diwaan-galinta Codbixiyayaasha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI iyo hogaanka xisbigiisa ayaa kormeeray goobaha ay ka socoyo diwaan-galinta codbixiyayaasha.

Guddoomiyaha oo ka hadlay kormeerkiisa ayaa yidhi.

Xisbi ahaan waxa aan saaka kormeer, indho-indheyn iyo xog-ogaal u noqosho ku soo marnay qeybo ka mid ah goobaha ay ka bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee degmooyinka caasimadda JSL ee Hargeysa, annag oo u kuur-galeynnay hannaanka Shacbiga caasimadda ku dhaqani isku diiwaan gelinayeen.

Waxa aan warbixinno ka dhageysannay Mas’uuliyiinta Komishinka Doorashooyinka, iyo howl-wadeenada KDQ ee gacanta ku haya diiwaangelinta codbixiyaha, sida oo kale waxa aan shacabka ku dhiirigelinnay in gutaan waajibkooda Dastuuriga ah ee is- diiwaangelinta codbixiyaha oo ah furaha Doorashooyin ay dalkan kaga qabsoomi karaan.