Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ee Dalka UK Oo Hargeysa Lagu Soo Dhoweeyey

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka Ingiriiska Yuusuf Xirsi Axmed (Xariir) oo maanta dalka soo gaadhey, waxaana garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kusoo dhoweeyey dadweyne kala duwan.

Masuuliyiin ka socday xukuumadda, xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Barlamaanka iyo deeggaanka, Haween, Dhalinyarro iyo Cuqaal ayaa si weyn ugu soo dhoweeyey dalka Guddoomiyaha.

Ugu horeyn waxa goobta soo dhoweynta  ka hadlay xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo si weyn dalka ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka UK ,waxaanay ka sheekeeyeen kaalmihii uu kasoo qaatay halgamadii kala duwanaa ee uu xisbigu soo maray iyo doorarkii uu ku lahaa guulihii xisbiga.

Waxa ugu dambayn halkaas ka hadlay ku xigeenka Badhasaabka gobolka Maroodijeex  iyo Guddoomiyaha dalka lagu soo dhoweeyey ee xisbiga KULMIYE ee dalka Ingiriiska ,waxaanay tilmaameen in socdaalka Guddoomiyuhu salka ku hayo  shir weynaha xisbiga KULMIYE oo la filaayo in uu dhowaan dhaco iyo is xog waraysi ku saabsan Guddoomiyaha  iyo madaxda xisbiga ee dalka ku sugan.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka Ingiriisku sheegay in uu u sharaxan yahay Golaha Wakiiladda Somaliland.