Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo dhaariyay Xildhibaan Cusub

HARGEYSA -(WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan X. Cali Axmed ayaa dhaariyay mudane Bashiir Sheekh Ibraahim Bakaal (Jigne), oo laga bilaabo shalay ka mid noqonaya xildhibaanada golaha Wakiilada JSL.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Ibraahim Bakaal (Jigne) ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha Wakiilada JSL, taasi oo uu ka geeriyooday AHN marxuum Cali Sh. Ibraahim Aareeye oo ka mid ahaa mudanayaashii xibiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Awdal, kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranku u eegay qodobka 78 ee xeerka guud ee doorashooyinka farqadiisa 4aad oo sheegaya in haddii loo waayo kayd, xisbi kamid ah xisbiyada kuraasta ku leh golaha wakiilada, in labada xisbi ee kale looga soo xulayo, iyadoo loo eegayo tirada codadka ugu badan xubinta ku soo baxday, sidaa daraadeed Xildhibaan Bashiir Sheekh Ibraahim Bakaal (Jigne) oo ah kaydka koobaad (1) ee ugu tirada badan xisbiga UCID oo laga soo doortay gobolka Awdal ayaa buuxiyay jagadaasi.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 17-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in la dhaariyo xildhibaan Bashiir Sheekh Ibraahim maadaama uu yahay kaydka koobaad ee buuxinaya jagadaasi banaanatay.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu qaranka ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.