Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynayaashii hore

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka waxaa looga hadlay arimaha Doorashooyinka Dalka ee 2020-2021, iyo Cudurka halista ah ee COVID-19 iyo guud ahaan siyaasadda dalka. Kulanka ayaa ku soo idlaaday guul.